783 Views

Weerar bam-gacmeed oo xalay ka dhacay degmada Kaxda iyo qasaare ka dhashay.

Weerar bam-gacmeed oo xalay ka dhacay degmada Kaxda  iyo qasaare ka dhashay.
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Warar dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya xaafada  Kaxda oo xalay ka dhacay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed, waxaana jira qasaare ka dhashay Weerarkaas oo Shabaab ku qaadeen Degmadaas.

Weerarkaan ayaa Xigay  Rasaas ay is Waydaarsadeen Kooxda Hubeysan iyo Ciidamada saldhigga Booliska degmada Kaxda, kadib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in xalay, illaa saaka ay howl-gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ahaa mid lasoo qorsheeyey.

Waxaa jira qasaare ka dhasahy Werarkaas Waxaana la sheegay in ay ku dhaawacmeen askar ilaa 3 askari ah halka uu ku dhintay hal askari oo saldhiga Joogay Xiligaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post