477 Views

Musharrax Madaxweyne Cirro oo eedeymo culus u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi Banaanbaxna ku baaqay mar kale

Musharrax Madaxweyne Cirro oo  eedeymo culus u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi Banaanbaxna ku baaqay mar kale
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka.

Musharrax Cirro ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan qabashada doorashada.

Musharaxa ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro waqtiga doorashada oo ku asteysan 13-ka bisha November inay kursiga u siman yihiin isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin tallaabooyinka ay wado xukuumadda oo ku tilmaamay inay yihiin kuwo daan-daansi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta dibad-baxyada, isaga oo sheegay inay dib u bilaaban doonaan isu soo baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post