1305 Views

Sirdoonka Isreal Mossad oo warbixin ka bixisay Nolosha Hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa reer Lubnaan Xasan Nasrullah

Sirdoonka Isreal Mossad  oo warbixin ka bixisay Nolosha  Hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa reer Lubnaan Xasan Nasrullah
____________________________________________________________________________

.

Muqdisho Qol  March 12  2021

Haayada Cilmi baadhista ee Malitariga Isreal ayaa soo bandhigay baadhitaan uu ku sameeyey sida uu u noolyahay Hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa reer Lubnaan ee Xibullah,Al-sayid Xasan Nasrullah ,

Nasrullah oo sanadkii 1992 noqday Xog-hayaha guud ee Xisbullah wuxuu ku jiraa Da”da 60 -jirka
Inta badan wuxuu waqtigiisa galiyaa dawaashada iyo la socodka Warbaahinta Cibriga ee IsrealSi uu wax badan Uga ogaado waxa ka socda Gudaha Isreal,

Xasan Nasrullah ,cabsi uu ka baqo Haayada Sirdoonka ee Isreal ee Mossad , ma isticimaallo Taleefanada iyo Computer-ada ah Smart waxaanu fariimaha uu dirayo iyo amarada Udhiibaa Ku-xigeenkiisa Sheikh Niciim Qaasim isagoo ula kulma Waji ka waji,

Sida warbixintu leedahay waa nin Shaki badan oo aan Xogtiisa cidna ku aaminin wax kasta oo kusaabsan Urrurkiisa isagaa Maamula oo ay gacanta ugu jiraan.

Wuxuu diiday inuu qaato talaalka Xanuunka Coronavirus talaalka oo ay soosaartay Dawlada Maraykanka isagoo kabaqaya in lagu sumeeyo,

Urrurka Xisbullah ayaa ah cadawga 1-aad ee ay leeadahay Dawlada Isreal , Ra’ayi uruurin laga sameeyey Jamhuurka Shacabka Isreal ayaa 90% in hadalka Xasan Nasrullah ,aaminaan oo hanjabaadiisa run uqaataan markuu khudbadeeyo
Yahayna nin ka rumeeya balamaha uu Qaado

Qore:Cabdi Yaasiin

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post