558 Views

Ruushka oo ku hanjabay inuu joojinayo gaaska soo mara Nord Stream 1

Ruushka oo ku hanjabay inuu joojinayo gaaska soo mara Nord Stream 1
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 9, 2022

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay suurtagalnimada in la joojiyo gaaska loo dhoofiyo Midowga Yurub iyada oo loo marayo dhuumaha Nord Stream 1.

Dhuuntan ayaa dhererkeedu dhan yahay 1,224 kilomitir waxayna maraysaa gunta hoose ee badda Baltic-ga ee ka soo baxda Ruushka ilaa Jarmalka.

“Waxaan xaq kasta u leenahay inaan xayiraad saarno sahayda gaaska ee soo marta dhuumaha Nord Stream 1,” Ra’iisul wasaare ku xigeenka Aleksandr Novak ayaa u sheegay telefishinka qaranka Ruushka Isniintii.

Ilaa maanta ​​dhammaan awoodda dhuumaha ayaa la isticmaalaa, sida uu qabo Novak. Waxa uu rumaysan yahay in cunaqabatayntu la mid noqon doonto go’aankii Jarmalku ku hakiyay hannaanka ansixinta dhuumaha Nord Stream 2.

Novak ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka ay dareemayaan cadaadiska saaran cunaqabateynta, laakiin dhoofinta gaaska aan la joojin doonin waqtigan.

Wadamada Midowga Yurub ayaa wali soo dhoofsada xaddi badan oo gaaska dabiiciga ah ee Ruushka, inkastoo cunaqabateyn ballaaran lagu soo rogay Ruushka ka dib duulaankii Ukraine.

Raiisel wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa Isniintii la soo dhaafay ka digay in tamarta laga keeno Ruushka ay gabi ahaanba muhiim u tahay daboolida baahida koronto ee Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post