708 Views

Saacad uu lahaa Adolf Hitler oo lacag badan lagu xaraashay iyo Yahuud ka carrootay

Saacad uu lahaa Adolf Hitler oo lacag badan lagu xaraashay iyo Yahuud ka carrootay
____________________________________________________________________________

Sabti: JULY 30, 2022

Suuq xaraash oo ay leedahay Shirkadda Alexander Historical Actions, oo kutaalla gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa kagu xaraashay saacad uu lahaa hoggaamiyihii Nazi-ga Jarmalka Adolf Hitler.

Qof aan xogtiisa la shaacin ayaa saacadan oo marxalado kala duwan soo martay ku iibsaday lacag gaareysa 1.1 milyan oo doolar , waxaana saacadan la iibsaday ku xardhanaa astaanta Naasiga Jarmalka iyo xarfaha AH.

Saacaddan ayaa la sheegay in ciidamo milatari ah oo 30 askari ah ay soo qaadeen oo ay keydiyeen bishii Maarso sannadkii 1945, kaddib markii ay weerareen Berghof oo ahayd xaruntii uu lahaa Adolf Hitler.

Hoggaamiyaal katirsan bulshada yahuuda ayaa cambaareeyay xaraashka saacadan uu lahaa Adlf Hitler, waxa ay sheegeen in xaraashkan uu ahaa mid laga naxo, iyagoona ku baaqay suuqyada xaraashka in laga saaro agabyada Hitler iyo kuwa lamidka ah.

https://08087cc1ce04b0634f803b413437bf31.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Shirkadda Alexander Historical Actions oo xarunteeda lagu xaraashay saacada ayaa sheegtay in ujeeddadeedu ay ahayd in la ilaaliyo taariikhda oo la keydiyo, iyo in inta badan alaabta la iibiyo lagu hayo goob gaar loo leeyahay ama loogu deeqo matxafyada lagu xuso xasuuqii loo geystay dadyowga Yuhuudda ahi xilligii Naasiga.

Suuqa shirkadan kutaalla Mareykanka leedahay ayaa sidoo kale lagu xaraashay alaabo kale oo kamid ahaayeen dhar ay laheyd xaaskii Hitler, sawir gacmeedyo iyo agabyo kale oo laga qaatay gurigii Hotler.

Hoggaamiyihii Naziga-Jarmalka Adolf Hitler ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay xasuuqa dad gaaraya 11 milyan oo qof, waxaana dadkaasi la dilay lix malyan oo qof oo kamid ah ahaayeen dad yahuuda oo si gaar ah loo beegsaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post