951 Views

Rupiah Banda, oo ahaa madaxweynihii hore ee Zambia, oo ku dhintey dada 85 sano jir,

Rupiah Banda, oo ahaa madaxweynihii hore ee Zambia, oo  ku dhintey dada 85 sano jir,
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Rupiah Banda, oo ah madaxweynihii hore ee Zambia, ee sanadihii 2008-dii illaa iyo 2011-kii, ayaa ku dhintey dada 85 sano jir, kadib markii in muda ah uu la il darnaa Kansarka ku dhaca mindhicirada.

“Noloshiisa wuxuu ugu adeegay dalkeenna iyo qaaraddeena, waxey ka dhigan tahay wadaniyadda ugu sareysa,” ayuu yiri Madaxweynaha Zambia ee xiligan Hakainde Hichilema.

Mr Banda, oo hore u ahaa diblomaasi, ayaa waxa uu ahaa Madaxweyne ku xigeen, markii sanadkii 2008-dii, Madaxweyne Levy Mwanawasa uu ku dhacey istaroog, kadibna uu geeriyooday.

Markaa kadib, ayuu xilka la wareegay, isagoo noqdey madaxweynihii afraad ee dalkani, wuxuuna ku guuleystay doorashadii xigtay.

Balse waxa uu xilka ka dagay sanadkii 2011-kii, kadib markii uu ku guul dareystay codbixintii sanadkaas ee Michael Sata.

Mr Banda, ayaa xiligaas si weyn looggu ammaanay inuu aqbalay guul darada, halkii uu natiijada uu ka hor iman lahaa.

Mudadii uu xafiiska madaxtinimada hayey, ayaa waxaa hareeyey eedeymo musuq maasuq, waxaana la xirey sanadkii 2013-kii, kadib markii lagu ashtakeeyey inuu xadey malaayiin Doolar.

Waa uu diidey eedeymahaas, isaga oo ku sifeeyey in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay ugaarsiga sixirka, iyadoo aan waligiis la xukumin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post