786 Views

Madaxweynaha KGS oo Mareykanka & Ingiriiska kala hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha KGS oo Mareykanka & Ingiriiska kala hadlay doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Dowlada Ingiriiska iyo sii hayaha Safaarada Mareykanka.

Madaxweynaha iyo Safiirada oo kulankooda sido kale ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kaga wada hadlay xaaladda dalka uu marayo dhinacyada Amniga,doorashooyinka iyo Abaaraha.

Safiirada ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ay uga mahad celiyeen sida uu u bilaabay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka, iyaga oo ku booriyay in uu dardar geliyo inta u harsan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Muqdisho u jooga ka qeyb galka Shirka Golaha wadatashiga ee looga hadlayo caqabadaha heysta Arrimaha doorashooyinka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post