927 Views

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa oo maanta kulmaya

Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa oo maanta kulmaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa lagu waddaa in ay kulmaan Saacaddaha soo socda ka dib Khilaaf soo taagnaa Muddo dhowr Bilood ah oo sababay in uu banaanka u soo baxo.

Qaar ka mid ah Isimada maamulka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa sidii loo xalin lahaa Khilaafka labadda dhinac oo sababay in aysan xitaa wax wada shaqeyn ah yeelan.

Shalay Isimida Puntland ee ku howlan dhexdhexaadin labadda dhinac ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay labadda Mas’uul.

Khilaafka ayaa soo taagnaa dhowr Bilood, waxaana uu xogeystay markii taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda uu Deni xilka qaaday oo Mid cusub Magacaabay.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland uusan ka jirin Khilaaf sharciya iyo mid siyaasiya toona, balse ay jirto kala ra’yi duwanaan la xiriirta dhanka maamulka dowladda, taasi oo sida uu sheegay ay buun-buunin ku sameeyeen dad uu ku tilmaamay cadowga Puntland.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay in kala ra’yi duwanaantaas ay ka dhalatay, isbeddelo lagu sameeyay mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo ku saabsanaa dardar gelinta maamulka iyo tayaynta hay’adaha dowladda.

Mudane Deni, wuxuu sheegay in mar kasta oo isbeddelo lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda ay ka dhalato kala ra’yi duwanaan maamulka dhexdiisa ah, maadaama aysan dadka oo dhan raalli gelin Karin isbeddelada yimaada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment