1131 Views

Turkiga oo Maamulka Gobolka Banaadir balan qaad u sameeyey

Turkiga oo Maamulka Gobolka Banaadir balan qaad u sameeyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) uu kula qaatay wafdi uu horkacayay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad.

 

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyadoo arimaha looga hadlay ayaa ugu muhiim sanaa horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan quudinta dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yar waxaa sidoo kale wax yaabihii kulankani looga hadlay kamid ahaa xoojinta howlaha kor loogu qaadayo bilic soo celinta Caadimadda.

 

 

 

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad isagoo sheegay in hey’adu ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada arimaha xalka waaro loogu gaarayo barakacayaasha.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla meel dhigeen madaxada bisha Cas ee dalka Turkiga

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment