1215 Views

Dad Lagu Soo Oogay Falal Argagixiso Oo Surka Looga Jaray Sacuudiga

Dad Lagu Soo Oogay Falal Argagixiso Oo Surka Looga Jaray Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2019 –Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in 37 Eedeysanayaal u dhashay Sacuudiga shalay lagu fuliyey xukun qoor-goyn ah, kadib, markii lagu helay inay ka dambeeyeen weeraro loo geystay Xarumaha Hya’addaha Ammaanka iyo inay dileen Saraakiil Amni.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Eedeysanayaashaasi lagu dilay magaallooyinka Maka Al-mukarama, Madiina Al-munawara iyo Goballadda Qasiim iyo Bariga ee dalkaasi

 

Tan iyo bilowgii sannadkan, ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dalka Sacuudiga, iyado osannadkii horena la dilay 149 qof.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment