804 Views

UK oo ka dalbatay Golaha Amniga in la joojiyo dagaalada ka socda dalal ay Soomaaliya jirto si loo gaarsiiyo talaalka Covid-19

UK oo ka dalbatay Golaha Amniga  in la joojiyo dagaalada ka socda dalal ay Soomaaliya jirto si loo gaarsiiyo talaalka Covid-19
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

War kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa looga dalbaday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, kadib kulan ayyeesheen, inay soo saaraan qaraar ku baaqaya in la joojiyo dagaalada ka socda dalal ay Soomaaliya jirto si loo gaarsiiyo talaalka Covid-19.

Ingiriiska ayaa haya jagada madaxweynenimo ee Golaha Ammaanka bishaan, waxaana Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriiska, Dominic Raab uu gudoominayaa kulan heersare ah oo ay yeelaneyso  hay’adda UN-ka ugu awooda badan kaasoo lagu faaqidi doono dhibaatada wadamadda qaar ka haysata in ay helaan talaalka safmareenka.

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in 11 wasiir arrimo dibadeed laga yaaboo inay hadlaan, oo uu ku jiro xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken maadaama dhibaatada COVID-19 ay sii kordheyso.

Britain waxay tibaaxdey in ka badan 160 milyan oo qof ay qatar ugu jiraan in aysan helin talaalka Coronavirus sababtoo ah waxay ku nool yihiin dalal ay ragaadiyeen dagaalada iyo xasilooni darada, waxayna ku kala nool yihiin Yemen, Syria, South Sudan, Somalia iyo Ethiopia.

“In la caalamiyeyeeyo talaalka waxay muhiim u tahay in aan ka adkaano safmareenka Coronavirus,” ayuu Raab yiri kahor kulanka.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: “Taasi waa sababta U.K. ay ugu baaqeyso xabbad-joojinta tallaalka si loogu oggolaado tallaallada COVID-19 in ay gaaraan dadka ku nool aagagga iska-hor-imaadka iyo dadaal ballaaran oo caalami ah oo lagu bixinayo gaarsiinta si daahfuran”.

Warkaan kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka Soomaaliya laga helay kiisas farabadan oo cudurka Coronavirus ah, isla markaana dad badan ay u dhinteen kuwo kalena ay la jiifaan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post