1083 Views

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo xaqiijiyay dilkii taliyaha ciidamada Ethiopia

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo xaqiijiyay dilkii taliyaha ciidamada Ethiopia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa General Seare Mekonnen lagu dilay magaalada Bahir Dar.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday isagoo xiran dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Dowlada Itoobiya ayaa ku tilmaantay weerarka ka dhacay Bahir Dar inuu ahaa afgambi fashilmay.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.
Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen.

Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada.

War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey.

Goobjooge ku sugan Bahir Dar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in is rasaasayntu ay ugu yaraan afar saacadood qaadatay.

“Markii hore waxaa u malaynaynay xaalad iska caadi ah, balse markii dambe waxaan maqalnay dhawaaqa hubka culculus,” ayuu yiri.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment