2121 Views

Tirada Dhimashada Dabkii Ka Kacay Gariiga Oo Kordhay

Tirada Dhimashada Dabkii Ka Kacay Gariiga Oo Kordhay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 25, 2018 – Kooxda dab damiska dalka Gariiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay goob kayn ah ay imika koradhay.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in tirada ku dhimatay dabkaasi ka kacay meel u dhaw Athens ay imika gaartay 74 qof.

Dabkani ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 200 qof.

Xukuumadda Gariiga ayaa sheegtay in dabkani burburiyay magaalooyiin iyo tuulooyiin laga yaabo in si ula kac ah loo bilaabay.

Dadka dhintay ayaa wax ka mid ah 26 qof oo maydkooda hal goob laga helay magaalada Mati.

Waxaa la rumaysan yahay in dadkani ay isku dayeen in ay dabka ka baxsadaan balse holaca uu ka xoog badiyay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Gariiga ,Alexis Tsipras, ayaa ku tilmaamay dabkani musiibo naxdin leh

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment