312 Views

Suldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug

Suldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa ciidamada difaaca gobolka Mudug ee fadhigoodu yahay degmada Wisil gaarsiiyay deeq xoolaa oo uu ugu talogalay dhiiro galinta ciidamada Daraawiishta iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabab.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa kaga mahadceliyay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Ciidamada Dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab isagoona kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wisil C/garad Cumar iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa deeqdaan kaga mahadceliyay Suldaan C/naasir Jaamal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post