744 Views

Qof lagu xiray Spain kaddib markii looga shakiyay inuu 22 qof qaadsiiyay fayraska koroona

Qof   lagu xiray  Spain kaddib markii looga shakiyay inuu 22 qof qaadsiiyay fayraska koroona
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Ninkan ayaa lagu xiray dalka Spain kaddib markii looga shakiyay inuu 22 qof qaadsiiyay fayraska koroona.

40 jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu howlihiisa watay oo uu aadi jiray shaqada iyo goobta jimicsiga isaga oo qufacaya oo heer kulkiisuna ahaa 40C (104F).

Waxaa la sheegay inuu goobtiisa shaqada ee Majorca uu si caadi ah u imaan jiray, isaga oo hoos u dhigaya maaskarkiisa, qufacaya una sheegaya asxaabtiisa inuu cudurka qaadsiinayo.

Shan ka mid ah asxaabta shaqada iyo seddex kale oo ay ku kulmeen goobta jimicsiga ayuu markii dambe qaadsiiyay fayraska.

14 qof oo kalana oo ay ku jiraan qoyskiisa ayuu sidoo kale qaadsiiyay cudurka.

Hadal ay soo saareen Sabtidii booliska waxay ku sheegeen in ninkan uu qabay calaamado dhowr ee muujinayay inuu qaba fayraska, balse uu diiday inuu gurigiisa joogo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post