753 Views

Xisbiyada Israa’iil oo ku heshiiyay in ay xilka ka tuuraan Netanyah

Xisbiyada Israa’iil oo ku heshiiyay in ay xilka ka tuuraan Netanyah
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Xisbiyada mucaaradka Israa’iil ayaa gaaray heshiis ay ku dhisayaan dowlad cusub oo soo afjarta xukunka Benjamin Netanyahu oo 12 sano xilka ra’iisul wasaaraha hayay.

Yair Lapid, oo ah hogaamiyaha xisbiga dhexe ee Yesh Atid, ayaa ku dhawaaqay in isbahaysi midnimo oo ka kooban sideed qaybood la sameeyay.

Nidaamka wareejinta, ayaa noqonaya in marka hore madaxa xisbiga garabka midig ee Yamina, Naftali Bennett, uu noqon doono ra’iisul wasaare ka hor inta uusan ku wareejin Mr Lapid.

Weli waxaa loo baahan yahay cod baarlamaan kahor inta aan la dhaarin dowladda.

Warbixin uu soo saaray ayuu Mr Lapid ku sheegay inuu ku wargaliyay Madaxweyne Reuven Rivlin heshiiska, isagoo raaciyay: “Waxaan balan qaadayaa in dowladani ay ka shaqeyn doonto u adeegidda dhammaan muwaadiniinta Israel, kuwa u codeeyay iyo kuwa aan u codeyninba.

Qoraalka uu u diray madaxweynaha, Mr Lapid wuxuu ku sheegay inuu hogaamin doona dowladda isaga iyo Bennett, oo badali doono ra’iisul wasaaraha 27 Ogosto 2023-ka.

Mr Rivlin wuxuu baarlamaanka ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u shiraan si codka kalsoonida loo qaado.

xigasho:-BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post