816 Views

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Ruwanda oo goradda iskula jira dagaal ka dhacay

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Ruwanda oo goradda iskula jira dagaal ka dhacay
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

 Khilaaf salka ku haya fallaagada Congo ee bariga dalkasi ka dhaqdhaqaaqda ayaa ka dhex aloosan Jamhuuriyadda Dimuqradiga Congo iyo Dalka Ruwanda ee deriska la ah.

Dowladda Kinshaasa waxay Ruwanda ku eedeysay iney taageerto dhaqdhaqaaqa fallaagada M23, oo ay hadda u aqoonsatay koox argagixiso lagana saaray wadahadallada nabadeed ee dlkaasi ka socda, inkasta oo Kigali ay beenisay eedda Kinshasa ay u soo jeedisay.

Dowladda Kongo ayaa u yeertay safiirka Kigali u fadhiyey, waxayna joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee Rwanda Air ay dalkaasi ku tageysay.

Tani bishii Maarso dagaallo ka dhacay waqooyiga gobolka Kivu waxaa ku barakacay dad ka badan 80,000.

Xiisadda labada dal u dhaxeysa ayaa cirka isku shareertay kaddib markii madafiic ay soo rideeen ciidamada Congo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayad ah oo ku sugnaa xadka dalka Ruwanda.

  •  
  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post