264 Views

Maraykanka oo Kuuriyada Waqooyi ugu digay in ay tijaabiso Gantaaladeeda Nukliyeerka

Maraykanka oo Kuuriyada Waqooyi ugu digay in ay tijaabiso Gantaaladeeda Nukliyeerka
____________________________________________________________________________

 

Sabti: SEPTEMBER 24, 2022

Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in laga yaabo in Kuuriyada Waqooyi ay  tijaabiso Gantaaladlo Nukliyeerka ah, inta lagu jiro booqashada Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Sargaalkan ayaa Kuuriyada Waqooyi  ugadigay tijaabinta Gantaaladan, isaga oo ku hanjabay haddii ay arrinkaasi ku kacdo inay la kulmi doonto cawaaqib xumi.

Sida la shaaciyay, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ayaa booqasho afar maalmood qaadaneysa ku tagi doonta Japan, laga bilaabo Isniinta soo socota, si ay ugu qeyb gasho aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe.

Harris, ayaa sidokale booqan doonta Khamiista soo socota Kuuriyada Koonfureed, iyadoo kulama kala duwan la yeelan doonta Madaxweyne Yoon Sok-yeol.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post