759 Views

Sicir barar iyo abaaro laga soo sheegayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya

Sicir barar iyo abaaro laga soo sheegayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Wararka ka imaanaya Xeryaha Qaxootiga ayaa sheegaya in Sicir barar baahsan uu ka jiro xeryaha qaxootiga  Dhadhaab ee dalka Kenya.

Xeryahaan oo ay ku nool yihiin kumannaan qaxooti Soomaali u badan, iyadoo bilihii ugu dambeeyay aad loo dareemayay sare u kaca ku yimid sicirka cunnooyinka daruuriga ahi.

Sidoo kale Sicir-bararkaasi ayaa saamayn weyn ku yeelatay nolasha dadka qaxootiga ahi ee danyarta u badan isla markaana ku tiirsan gargaarka bani’aadanimo ee ay bixiyaan hay’adaha samafalka Aduunka gaar ahaan WFP oo dadkaas siisa Raashin iyo Saliid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post