918 Views

SAWIRO:-Kulan looga hadlayey doorashada soo socota oo lagu qabtay Muqdisho

SAWIRO:-Kulan looga hadlayey doorashada soo socota oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha guddiga Xaliimo Yareey iyo Xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

 

Kulanka oo ay siwadajir ah u shir gudoominayeen Xaliimo Yareey iyo Xubno ka socday Xafiiska howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay u Diyaar garowga Soomaaliya ee doorashada qorsheysan ee qof iyo cod ah 2020-ka.

 

 

 

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa xubno ka socday saaxiibada Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha oo ay ku jireen mashruuca (BUILD), Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Xafiiska Haweenka ee Qaramada Midoobay iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeegyada mashruuc (UNOPS).

 

Qaramada Midoobay ayaa ka taageereysa Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka kaalmada farsamo ee doorashooyinka Qaranka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment