822 Views

Madaxweyneyaasha Kenya iyo Koonfur Afrika oo ka wadahadlay fududaynta dal-ku-galka iyo ganacsiga

Madaxweyneyaasha Kenya iyo Koonfur Afrika oo ka wadahadlay fududaynta dal-ku-galka iyo ganacsiga
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku jooga Koonfur Afrika, halkaas oo arrimo badan ay uga wadahadlayaan madaxweynaha uu martida u yahay ee Cyril Ramaphosa.

Arrinta dal-ku-galka, oo dad badan oo reer Kenya ay ku dhib qabaan, ayaa madaxweyne Ramaphosa sheegay in uu koox u saari doono arrimaha la xiriira dhibaatooynka ay fiisaha ku qabaan dadka ka yimaada Bariga Afrika.

Sannadkii hore, Koonfur Afrika waxay Kenya u dhoofisay alaabo qiimaheedu dhan yahay $480m, halka ay soo dejisay $20m oo keliya.

Labada madaxweyne waxay go’aansadeen inay wax ka qabtaan isku dheelitir la’aanta ganacsiga, wuxuuna Mr Ramaphosa sheegay in caqabadaha ganacsi ee aan loo baahnayn meesha laga saari doono. Wuxuu intaas ku daray in uu doonayo in Koonfur Afrika uu ku arko badeecooyin badan oo Kenya laga soo dhoofiyey.

Madaxweyne Kenyatta ayaa booqan doona warshad lagu farsameeyey tallaalka.

Wuxuu dhaliillay tallaalka ay reer Galbeedku “kaligood isku koobeen” wuxuuna Afrika ugu baaqay in ay ayagu tallaal samaystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post