897 Views

Al-shabaab oo Weerar ku Bilaawday Qaraxyo ku qaaday saldhiga Hoosingow

Al-shabaab oo Weerar ku Bilaawday Qaraxyo ku qaaday saldhiga   Hoosingow
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya  iyo Alshabaab oo ka dhacay saakay Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa bilaawday sida ay wararku sheegayaan kadib markii weerar ku billowday madaafiic ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, halka kuwa kale ay ku hoobteen xaafado ku yaalla deegaankaasi.

Sidoo kale Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka qorsheysan ee ka horreeyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post