1041 Views

afduub lagula kaci lahaa wariye u dhalatay Iiraan oo ku sugan New York iyo Maraykanka oo jawab ka bixiyay

afduub lagula kaci lahaa wariye u dhalatay Iiraan oo ku sugan  New York iyo Maraykanka oo jawab ka bixiyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in ay dacwad ku oogtay afar muwaadin oo u dhashay Iiran, kuwaasi oo ku eedeysan in ay maleegayeen fal afduub ah oo lagula kaco wariye ku sugan magaalada New York.

Suxufiyad Mareykan ah oo lagu magacaabo Masih Alinejad, oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, aadna u dhaliisha xukuumadda Tehran, ayaa u muuqatay in ay barteeda Twitter-ka ku xaqiijinayso in ay iyadu tahay qofka shirqoolka la sheegay lagu bartilmaameedsanayay.

Afarta nin ee lagu soo oogay dacwadda ayaa ah sarkaal ka tirsan sirdoonka Iran iyo saddex qof oo ka hoos shaqeeya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashu ay ku nool yihiin Iran.

Qof shanaad oo ku sugan California ayaa lagu eedeeyay in uu maalgelinayay shirqoolka raggan lagu eedeeyay.

Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, saraakiisha sirdoonka ayaa markii hore isku dayay in ay ka dhaadhiciyaan bartilmaameedka oo ay Waaxdu ugu magac-dartay Dhibane 1 in ay tagto dal saddexaad, si halkaas loogu xiro ka dibna loogu gudbiyo IRAN.

Waaxda Caddaaladdu waxa ay sheegtay in raggan ay dhowr mar oo ka tirsan sanadkii 2020-kii iyo sanadkan 2021-ka ay sahmiyeen dhaqdhaqaaqa dhibanaha iyo xubnaha qoyskeeda ee ku nool xaafadda Brooklyn ee magaalada New York.

Source-VOA

\

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post