237 Views

Hooyo xaamilo ahayd oo ku Geeriyootay Musqul la duntay Magaalada Hargeysa

Hooyo xaamilo ahayd oo ku Geeriyootay Musqul la duntay Magaalada Hargeysa
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Hooyo xaamilo ahayd ay ku Geeriyootay Musqul la duntay xaafada Killalka ee magaalada Hargeysa.

Hooyada oo lagu Magacaabi jiray Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ifka kaga tagtay 7 Carruur ah oo ay dhashay , waxaana la sheegay in musqusha ay ku duntay xilli ay xaajo u tagtay, isla markaana markii ay weysay cid u soo gurmata ay sidaasi ku geeriyootay.

Ciidamada dab demiska Somaliland oo goor dambe tagay Guriga ayaa kasoo saaray Godka musqusha Hooyada oo geeriyootay kadib markii dad deris la ah ay Ciidamada gaarsiiyeen qeylo-dhaan ku aadan in la soo badbaadiyo balse, iyada oo meyd ah laga soo saaray.

Ciidamada dab demiska Somaliland ayaa ugu baaqay Bulshada kunool degaannada kala duwan ee Somaliland inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post