1920 Views

caasimadda Bangui Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo kiilada burka uu gaaray BOQOL DOLLAR

caasimadda Bangui Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe  oo kiilada burka uu gaaray BOQOL DOLLAR
____________________________________________________________________________

Khamiis 11/2/2021

Ku dhawaad muddo laba bilood ah, caasimadda Bangui ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa waxa ay ku jirtay go’doon.

Xulafo ka kooban jabhado mucaarad ah ayaa beegsanaya gawaarida xamuulka ee cunnada u sida caasimaddaas, taasoo horseeday in cunno yari baahsan ay dhacdo iyo sicirka raashinka oo aad sare ugu kacay.

Qiimaha kiilada burka ayaa caasimadda dalkaas ka gaaray boqol dollar, maadaama ay adag tahay in la helo.

Xulafada oo la magac baxday Patriots for Change, ayaa doonaya inay xukunka ka tuuraan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Faustin Archange Touadéra.

Xooggagan ayaa dhulka ay gacanta ku hayaan waxaa lagu qiyaasay 40 ilaa 60 boqolkiiba dhulka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday xaalad bani’aadannimo oo ay ku barakaceen dad ka badan 200,000 oo qof.

Colaadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Jabhad Muslim u badan oo lagu magacaabo Seleka ayaa sanadkii 2013 la wareegay gacan ku haynta caasimadda Bangui, waxaana ay xukunka ka tuureen madaxweynihii xilligaas, François Bozizé.

Durbadiiba Seleka waxaa lagu eedeeyay gabood-fallo, waxaana kacdoon hubaysan billaabay jabhad Kiristaan u badan oo lagu magacaabo ant-balaka, sidaana Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxa ay lugaha la gashay dagaal sokeeye.

Xubno ka mid ah jabhadihii Seleka iyo anti-balaka ayaa hadda u mideysan dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Faustin Archange Touadéra.

Dowladda dalkaas ayaa ku eedaysay Madaxweynihii hore François Bozizé, oo laga horjoogsaday inuu u tartamo doorashadii 27-kii Disembar, inuu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya.

“Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan aan la cafin karin ee ka dhanka ah shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,” ayuu yiri Madaxweyne Touadéra oo dhanka kale ku baaqay dib u heshiisiin qaran.

François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Xaalad bani’daannimo

Colaadda ayaa tan iyo bishii Disembar si toos ah u saameysay in ka badan 200,000 oo dad rayid ah, iyadoo kala bar dadkaas aanay weli dib ugu laaban guryahooda, sida ay sheegtay hay’adda Unicef.

“Colaadda cusub iyo barakaca ayaa sii kordhinaya baahida gargaarka bani’aadannimo ay u qabaan shacabka dalkan oo saameyn xooggan kala kulmay cudurka Covid-19 iyo dagaallo sanado socday,” ayuu yiri Fran Equiza, wakiilka Unicef ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Baaq ah kordhinta ciidamada nabad ilaalinta

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mankeur Ndiaye, ayaa sheegay in dalkaas uu khatar ugu jiro luminta guulihii laga gaaray xasilloonida.

Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana loo oggolaado inay ka falceliyaan xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa.

Inkastoo aanu ergayga shaacin cududa ciidan ee loo baahan yahay, ayaa haddana wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay hawlgalka Minusca in dalkaas u baahan yahay 3,000 oo askari oo dheeraad ah, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo xitaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Ndiaye ayaa sheegay in tiro badan oo ciidanka dowladda ah ay faarujiyeen furimaha dagaalka, tababar xumo iyo qalab yari awgood.

In ka badan 12,000 oo nabad ilaaliyayaal ah ayaa hadda ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Ka hor doorashadii Disembar, Rwanda iyo Ruushka ayaa waddankaas u diray ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dowladda. Faransiiska ayaa sidoo kale diray taakulo ciidan oo uu ku taageeray xukuumadda Madaxweyne Touadéra.

Dhanka kale, xukuumadda Bangui ayaa doonaysa in Qaramada Midoobay ay waddankaas ka qaado cunaqabateynta hubka ee ay saartay 2013, taasoo ay u aragto mid caqabad ku ah la dagaallanka fallaagada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post