927 Views

Dugsiyada Gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Wasiir Goodax Barre

Dugsiyada Gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Wasiir Goodax Barre
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Dugsiyada Xubnaha ka ah Dalladda Waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka jawaabeen hadalkii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in saababha augu weyn ay u dhaceen Ardaydii ugu badneyd ee imtixaanka ku gashay sanadkaan Gobolka Banaadir ay tahay iskuulo iyo macalimiin tayo ana la heyn oo ka Shaqeeya Muqdisho.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Dugsiyada Xubnaha ka ah Dalladda Waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay garab is taag u muujiyeen ayna soo dhaweeyeen war saxaafadeedka ay soo saartay Dalladda waxbarashada ee SAFE iyo cid kasta danqasho u muujiyey ardeyda gobolka Banaadir.

Waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaameen hadallkii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ee uu ku sheegay inay jiraan iskuulo gaar loo leeyahay oo Ardayda fasalada qaar ka bootiya,isla markaana aan wax lagu baran,waxaana ay sheegeen inay ku kalsoon yihiin Macalimiinta iyoardeyda.

“Waxaan Cambaareynaynaa falcelinta ay ka sameeyeen iyo ku adkeysashada qaladka weyn ay ka galeen ardeyda iyo dugsiyada gobolka Banaadir: Sii haayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir oo qaladka dusha ka saaray Dugsiyada, Macalimiinta iyo Ardeyda gobolka Banaadir, waxaa is ka cad in ay ka muuqato tayo xumo, Mas’uuliyad daro weyn iyo daneysi ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka Iskuulada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Dugsiyada Gobolka Banaadir ee Xubnaha ka ah Dalladda Waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Sii haayaha xilka R/wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed “Khadar” ay shaki weyn ku abuureen markii aysan ka hadlin wixii dhacay, hayeeshee ay sheegeen in kalsooni buuxa ku qabaan in talaabada ku haboon ay qaadi doonaan.

Imtixaanka Sanadkaan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa natiijada lagu dhawaaqay dhacay arday gaareysay 8,550 Arday oo ku dhawaad 8,000 oo kamid ah ay ku nool yihiin Gobolka Banaadir, taas oo hadal heyn badan dhalisay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post