762 Views

Xildhibaan Cabdirisaaq: Shaqaalaha Baarlamaanka ayaa lagu qasbay inay baneeyaan Villa Hargaysa

Xildhibaan Cabdirisaaq: Shaqaalaha Baarlamaanka ayaa lagu qasbay inay baneeyaan Villa Hargaysa
____________________________________________________________________________

 

Talaado: April 26, 2022

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in taliyaha ciidamada Booliska iyo askar ay xoog ku galeen Villa Hargeysa, ayna ka saareen shaqaaliha baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo doorashada gudoonka Golaha Shacabka, isla-markaana lagu cabsi galinayo howl-wadeennada iyo guddiyada diyaarinaya doorashadaasi, sida uu qoraalkiisa ku sheegay. Ma jiro ilo oo madax bannaan oo xaqiijinaya eedeyntiisa.

“Ujeedka ayaa ah in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada VS. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post