807 Views

Somaliland oo ka hadashay dagaalka Ukraine.

Somaliland oo ka hadashay dagaalka Ukraine.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland DR Ciise Kayd Maxamuud, oo qoraal uu ku qoray bartiisa Twitterka, waxaa uu kaga hadlay dagaalka Ukraine, isagoo nabad ugu baaqay dhinacyada dagaalku ku dhexmarayo dalka Ukraine.

Sidoo kale, waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiya in xal nabadeed la gaaro dagaalka Maalinkii shanaad ka socda Ukraine.

“Iyadoo xaalada Ukraine ay kasii darayso, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku baaqaysaa nabad, waxaanu wadaynaa in aanu u ducayno dadka reer Ukraine, waxaanu rajaynaynaa in lagaadho xal nabadeed” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Dhinaca kale, Wasiir Kayd ayaa ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Ukraine ugu baaqay in ay la xiriiraan xafiiska Somaliland ee dalka Finland, si looga samatabixiyo colaada ka taagan Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post