1278 Views

Dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo diyaarad gaar ah oo kuwa cafimaadka ah loogu qaaday dalka Turkiga

Dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo  diyaarad gaar ah oo kuwa cafimaadka ah loogu qaaday dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

 Dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame ayaa diyaarad gaar ah oo kuwa cafimaadka ah loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ka sagootiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaasha Waaxyaha, masuuliyiin kale, Xildhibaanno iyo waalidiinta Agaasime Sharmaarke.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geystay sidii loogu heli lahaa caafimaad dibadda ah.

Wasiirka dekadaha Galmudug Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhankiisa sidoo kale u mahaceliyay mas’uuliyiinta gacanta ka geystay in dibadda loo qaado, waxaana uu cafimaad taam ah u rajeeyay agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame ayaa ku dhaawacmay qarax kooxaha khawaarijta ah ay la beegsadeen gaari ay la socdeen Agaasimihii Radio Muqdisho Alle ha u naxariiste Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo qaraxa ku dhintay waxaa sido kale ku dhaawacmay Cabduqaadir Cabdullaahi Nuur oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

By:Mohamed M Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post