204 Views

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin weerarkii hotelka Villa Rays

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin weerarkii hotelka Villa Rays
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: NOVEMBER 30, 2022

 Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen hotelka Villa Rays oo ku yaalla gudaha xeen-daabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Hotelkaas aysan ka aamusi doonin ka baarlamaan ahaan.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin wixii dhacay, isla markaana ay imaa doonto in maalmaha soo socda hoggaanka hey’adaha amniga looga yeero kulamada baarlamaanka.

“Waan ku dhaliileynaa hey’adaha amniga wixii dhacay maalin dhoweed, waana imaaneysaa in kulanka baarlamaanka looga yeero hey’adaha amiga, si wax looga weydiiyo sababta ay waxaasi u dhaceen, tan baarlamaanku kama aamusnaa doono insha allah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay banaanka madaxtooyada aysan ahayn wax loo dul-qaada karo, wuxuu dalbaday in sharciga la hor geeyo dadkii masuulka ka ahaa amniga aaggaas.

Xildhibaan Jeesow wuxuu intaas ku sii daray in guddiga amniga ee baarlamaanka uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arrintaas, si loola xisaabtamo hey’adaha ammaanka.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga amniga ee baarlamaanka suurtagal maaha in la galo meel intaas madaxtooyada u jirta, waa wax laga xumaado, hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in arrintaan aysan ka soo qaadin wax dhici jiray ee sharciga la hor geeyo raggii masuulka ka ahaan amniga goobtaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post