903 Views

Xaalada Garoonka oo caadi ku soo Noqotay kadib Markii uu gaaray taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi..

Xaalada Garoonka oo caadi ku soo Noqotay kadib Markii uu gaaray taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi..
____________________________________________________________________________

April 22-2021

 Waxaa Goor dhawayd dib u bilaawday Howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib Markii Ciidamo ka tirsan NISA oo ku Hubeysan Bastoolado iyo Hubka Fudud ay Xoog ku galeen Halkaas. Arintaan ayaa Waxaa gacanta la galay oo soo gaaray Taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadan ay timid, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin & u jeedka socdaalooda. Shaqaaqadan oo sababtay gacan ka hadal.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dhawayd tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi ayaa la sheegay in markii danbe uu xaliyay arintaas, oo uu joogay Markii arinta dhacaysay goob aan ka fogayn halkaas oo uu ku yaalo Xafiiskiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post