1032 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Xalay Magalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay dhanka Amniga Caasimadda,waxaana kulanka shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

 

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyeyaasha Ciidamada iyo gudodomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow,waxaana sigaar ah diirada loogu saaray sidii loo adkeyn lahaa  amniga Magalada Muqdisho  Maalmaha ciidul Fidriga oo saacado kaliya ay inaga xigaan.

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa taliyeyaasha Ciidamada iyo duqa Muqdisho ku booriyay inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,xilli mararka qaar falal amnidarro ay ka dhacaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa intii lagu guda jiray Bisha Ramadaan waxa ay diyaarisay Ciidamo Boolis ah,kuwaas oo habeen iyo Maalin howlgallo ka waday Magalada Muqdisho,balse weli ay dhacayaan dilal qorsheysan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment