1104 Views

Ilaaladii jeneraal Mascuud oo gaari la rogmaday iyo dhawacyadii laga soo qaaday dhusamareeb oo caawa Muqdisho la keenay

Ilaaladii jeneraal Mascuud oo gaari la rogmaday iyo dhawacyadii laga soo qaaday  dhusamareeb oo caawa Muqdisho la keenay
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in galabta gabaldhicii uu rogmay gaari ay la socdeen Ciidamada Jeneraal Mascuud oo ah Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in 12 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu  caawa laba diyaaradood looga soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan oo Culus.

Ciidankaan ayaa galabta waxaa deegaanka Ceeldheere kula rogmaday gaari Cabdibile ah, xilli ay ka soo baxeen Guriceel, kuna sii jeedeen Dhuusamareeb.

Sidoo kale Laba diyaaradood  ayaa caawa maqribkii keenay Muqdisho dhaawacyadaas oo ahaa ilaalada Jeneraal Mascuud oo ah Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad oo watay gaari Cabdibile ah, waxaana la geeyay dhaawacyada oo qaarkood ahaa kuwa Culus ispitaalka Digfeer ee Erdogan hada loo baxshay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post