993 Views

Mareykanka oo xayiraaddii ka qaaday Shirkadda Al-Barakaad

Mareykanka oo xayiraaddii ka qaaday Shirkadda Al-Barakaad
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Qoraal oo ka soo baxay Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu shaaciyey in Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee Xawaalad ahaan u Shaqeyneysay laga qaadey xayiraadi la saarey sanadkii 2001-dii.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la xiray dhamaan eedeymihii loo heystay Shirkadda Barakaad,taas oo la xayiray,kadib weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ee Magaalooyinka New York iyo Washington ee dalka Mareykanka.

 

Xayiraadda xilligaas la saarey Xawaaladii Barakaad ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in lala wareegay dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay ku lahayd Shirkadaasi Caalamka.

 

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil ayaa xilligaas ku eedeeyey Maamulka Shirkadda Barakaad inay mallaayiin Dollar u gudbiyaan Ururweynaha Al-Qaacida walow Madaxda Shirkadda eedaas dhowr mar ay beeniyeen.

 

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in xayiraada laga qaaday ka sokow ay heli doonaan magdhow u dhiganta faa’iidada intii lacagtooda xayiraadda ay ka saarneyd.

 

Dhowr isbuuc ka hor ayaa Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa waxaa ay shaacisey in wax dambi aysan laheyn Shirkadda Wakiilka Mareykanka uga ah Shirkadda Barakaad ee Park Strategies LLC ,taas oo ugu ambeyn keentay in xayiraadii saarneyd laga qaado Shirkadda Barakaad.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment