747 Views

Ciidamada Degmada afgooye oo goor dhawayd joojiyeen Masaajidyo ay ka socotay Takbiirta Ciida.

Ciidamada Degmada afgooye oo goor dhawayd joojiyeen Masaajidyo  ay ka socotay Takbiirta Ciida.
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Wararka aan ka heleeyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Maamulka degmadaas ay saaka joojiyeen Masaajidyo qaar oo ay ka socotay Takbiirta Ciida.

Ciidamada ayaa tegay dhowr Masaajid oo ku yaal Xaafadaha qaar ee degmada Afgooye, iyaga oo ku amray Imaamyada Masaajida inay joojiyaan Takbiirta Ciida, isla markaana Maanta aysan aheyn Maalin Ciid ah.

Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira ay sheegeen in Maanta la dhameystirayo 30-ka Bisha Ramadaan, isla markaana Maalinta Berito ah ay tahay Maalinta koobaad ee Ciidul Fitriga.

Degaannada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta laga Ciidayaa kadib markii xalay ay ku dhawaaqeen inay Bishii arkeen 8 Ruux oo ku kala sugan Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Baay & Bakool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post