1143 Views

Puntland oo kordhineysa xarumaha la tacaalida Coronavirus

Puntland oo kordhineysa xarumaha la tacaalida Coronavirus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay kordhinayaan Xarumaha lagula tacaalayo dadka laga helo ama looga shakiyo Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

 

War kasoo baxay Guddiga ka hortaga COVID19 ayaa lagu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dhamaan deegaannada puntland loogu sameyn lahaa Xarumo dadka lagu karantiilo oo ah kuwo muhiim ah.

 

 

 

Guddiga waxaa ay sheegeen in ay dadaal kasta u galayaan ka hortegida Coronavirus, iyada oo aysan jirin kiisas la xiriira COVID19 oo laga halay Magaalooyinka Puntland.

 

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen inay horey dad u karantiileen sidoo kale ay sugayaan natiijada dad laga shakiyey oo dheecaankooda baaris loogu direy Kenya,isla markaana jawaabta ay sugayaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment