720 Views

Waa tuma xaaska Madaxweynaha Ukraine ee uu “raadinayo Ruushku”?

Waa tuma xaaska Madaxweynaha Ukraine ee uu “raadinayo Ruushku”?
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxaa si weyn u caan baxay Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo si aan horay loo fileyn isaga caabiyay weerarka ay ku qaaday xukuumadda Moscow.

Zelensky ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedka koobaad ee Ruushka, halka qoyskiisana uu yahay kan labaad. Hadaba maxaan ka ognahay xaaska u dhaxda Madaxweynahan aan la ogeyn goobta saxda ah ee uu ku sugan yahay?

Magaceedu waa Olena Zelenaska. Waa 44 jir baratay qoridda sheekooyinka filimada. Waxa ay Madaxweyne Zelensky u dhashay gabar iyo wiil lagu kala magacaabo Aleksandra iyo Kirill.

Marwada koobaad ayaa si buuxda u garab istaagtay iska caabinta uu hogaaminayo seygeeda ee Ukraine ay kula jirto Ruushka. Todobaad ka hor inta uusan billaaban duulaanka ayaa waxa ay barteeda Telegram ku qortay sidatan:

“Maanta, ma noqon doono mid argagaxda ama ilmaysa. Waan isdejinayaa oo kalsooni ayaan yeelanayaa. Carruurtayda ayaa i daawanaya. Waxaan garab taaganahay carruurtayda, seygayga iyo dhammaan shacabka dalkayga.”

Bishii April 2019, Volodymyr Zelensky ayaa si lama filaan ah ugu guulaystay madaxtinnimada Ukraine, isagoo markaa ahaa jilaa iyo majaajileysto aan khibrad u lahayn siyaasadda iyo hogaaminta. Dad kooban oo u badan kuwa ka shaqeeya madadaallada ayaa xilligaas aqoon u lahaa xaaskiisa Zelenaska.

“Ma ihi qof caan ah, waxaana jeclahay in aan ka dhuunto indhaha caalamka. Seygayga ayaa ah nin ay dadka yaqaanaan, aniguna waxba kama aqaano siyaasadda iyo kaftankeeda,” ayay waagaas u sheegtay wargeyska Vogue.

Qaabka ay isku barteen

Olena ayaa ku dhalatay magaalada Kryvyi Rih ee ku taalla barmaha Ukraine, waxaana ay Zelensky isku barteen jaamacadda magaaladaas halkaas oo ay ka baranaysay culuunta dhismaha, isaguna waxa uu dhiganayay kulliyada qaanuunka. Waxaa la sheegay inay markaa xiriir la lahayd nin kale, halka Zelensky uu ku mashquulsanaa taaba-gelinta hiwaayadiisa majaajiladda.

Waxa uu xiriirkooda bilowday markii ay Olena kamid noqotay shaqaalaha shirkadda Kvartal 95 ee uu Zelensky kamid ahaa asaasayaasheeda, iyadoo u qori jirtay sheekooyinka majaajiladda iyo filimaanta. Kadiba waxa ay is guursadeen September 2003.

Shirkadda ayaa soo saartay filin taxane ah oo lagu magacaabi jiray “U Adeegaha Shacabka” kaasoo uu Zelensky ku metali jiray macallin iskuul oo si lama filaan ah ku noqday Madaxweynaha Ukraine. Wixii filimka ku metalayay ayaa markii dambe u dhaboobay.

Zelenska ayaa ka hor inta uusan duullaanka billaaban sii waday shaqada shirkadda Kvartal 95, balse waxa ay sheegtay in waqtigeeda ay u kala qeybin jirtay madaxtooyada iyo xafiiska shirkadda.

Dowrkeeda dagaalka

Zelenska ayaa marar badan boggaga ay ku leedahay baraha bulshada ku soo sheegtay sida ay uga xuntahay dagaalka uu Ruushka ku qaaday dalkeeda.

“Carruurta Ukraine waxaa markasta loola cararaa dhismayaasha dhulka hoostiisa ah si ay uga badbaadaan duqeynta. Ma dooneyno dagaalka, hase yeeshee isma dhiibi doonno oo waan iska caabin doonnaa,” ayay ku qortay barteeda Instagram.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu bartilmaameedka labaad ka dhigtay qoyskiisa oo uu ula jeedo xaaskiisa Zelenska iyo labadooda canug, Aleksandra iyo Kirill.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post