765 Views

Xildhibaannada Mareykanka oo lagu wadaa inay maanta kulan yeeshaan si ay u xaqiijiyaan guushii uu Joe Biden

Xildhibaannada Mareykanka oo  lagu wadaa inay maanta kulan yeeshaan si ay u xaqiijiyaan guushii uu Joe Biden
____________________________________________________________________________

Xildhibaannada Mareykanka ayaa lagu wadaa inay maanta kulan yeeshaan si ay u xaqiijiyaan guushii uu Joe Biden ka gaaray doorashadii madxatinnimda xilli ay dibadbaxyo dhigayaan taageerayaasha Trump.

Kulanka Kongreeska ayaa lagu tirin doonaa laguna xaqiijin doonaa codadkii doorashada.

Xubno ka tirsan Jamhuuriga ayaa doonaya in marka kulanka la isugu yimaado la taageero dedaallada Madaxweyne Donald Trump ee lagu laalayo natiijada doorashada, taas oo u muuqata inaysan suurto gal ahayn.

Boqollaal Ilaalada Qaranka ka tirsan ayaa la geyn doonaa halka uu kulanku ka dhacayo.

Taageerayaasha Mr Trump ayaa bilaabay inay isugu yimaadaan magaalada Washington DC iyagoo ka bannaan baxaya ansixinta guuldarradiisa, sidoo kalena bannaan bax kaas ka dhan ah ayaa lagu wadaa inuu dhaco.

Qoraal uu shalay soo dhigay barta Twitter-ka, ayuu Mr Trump ku dhawaaqay inuu ka hadli doono “Isu soo baxa Badbaadi Mareykanka” ee maanta qabsoomaya.

Wuxuu diiday inuu qirto in looga guuleystay doorashadii 3-dii November, isagoo caddeyn la’aan ku celceliyay in lagu shubtay doorashada.

Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan ayaa la caleema saari doonaa 20-ka bishan January.

Maxaa ka dhici doona Kongareeska?

Labada aqal ee Kongareeska – Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Sare – ayaa kulan wada jir ah yeelan doona maanta, iyagoo furi doona waraaqaha xiran ee laga soo qaaday 50-ka gobol kuwaasoo ay ku xusan yihiin natiijada codbixintii doorashada.

Marka la eego hannaanka Mareykanka, codbixiyeyaasha ayaa codkooda siiya “kuwa wax dooranaya”, kuwaas oo iyagana u codeynaya musharraxiinta toddobaadyo kaddib doorashada. Mr Biden ayaa helay 306 codad ah, halka uu Mr Trump helay 232 cod.

Wakiillo labada aqal ka socda oo la isku raacay ayaa akhrin doona natiijada waxayna sameyn doonaan xisaabin rasmi ah.

Kala qeybsanaan ayaa ka dhex taagan Jamhuuriga, iyadoo dhowr xubnood oo labada aqal ka tirsan la filayo inay soo jeediyaan dib u tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada muhiimka ah.

Ted Cruz ayaa hoggaaminaya koox dhowr senatar ka kooban oo ku baaqaya in 10 maalmood dib loo dhigo si loogu kuuro galo eedeymaha ku shubashada doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence – oo ah madaxweynaha Aqalka Sare lana filayo inuu hoggaamiyo kulanka kuna dhawaaqo in Biden uu guuleystay – ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadaas.

Madaxa xafiiskiisa ayaa sheegay in Mr Pence uu la qabo waxa uu ugu yeeray “walaaca ay malaayiinka qof ee Ameerikaanka ah ka qabaan doorashada lagu shubtay”.

Marka la eego sharciga Mareykanka, shaqada Mr Pence waa mid maamulka la xiriirta, balse Mr Trump ayaa ku boorriyay madaxweyne ku xigeenkiisa “inuu garab siiyo”.

Diidmada ka timaadda xubin ka tirsan Aqalka Wakiillada ama xubin ka tirsan Aqalka Sare waxaa eegaya xildhibaannada oo yeelanaya dood labo saacadood qaadaneysa, kaddibna waxaa xigeysa codeyn loo sameynayo.

Si kastaba, si loo tixgeliyo diidmadaas, waa in tiro badan oo labada aqal ka tirsan ay u codeeyaan. Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku xooggan Aqalka Sare balse qaarkood ayaa hore u sheegay inaysan ka hor imaan doonin natiijada. Dimuqraaddiyiinta ayaa iyaguna ku xooggan Aqalka Wakiillada.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell ayaa hore u garwaaqsaday guusha Mr Biden wuxuuna xubnaha kale ee Jamhuuriga ka codsaday inaysan ka hor imaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post