498 Views

Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Si layaab uga hadlay Doorashadii Jowhar

Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Si layaab uga hadlay Doorashadii Jowhar
____________________________________________________________________________

Talaado: February 1, 2022

Waxaa shalay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ka dhacday doorashada lix kursi oo kamid noqonaya Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Doorashada shalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa qaarkood abuureen hadal heyn badan kadib markii mid kamid ah kuraasta ay ku tartameen musharax goobta ku sugnaa iyo musharax kale oo hoolka doorashada ka maqnaa.

Musharaxiinta qaarkood doorashada shalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa sheegay in doorashada loo diiday in ay ka qeyb galaan qaarkoodna kuraasta loo xiray xubnihii ku guuleestay doorashada.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen kusoo dhaweeyay doorashada ka dhacday shalay magaalada Jowhar, waxa ayna guddiga si gaar ah u ammaaneen in sadex dumar loo doortay Xildhibaano lixdii kursi ee shalay la doortay.

Guddiga doorashooyinka ayaana iska dhaga tiray cabashada musharaxiinta kuraasta qaar kasoo yeertay, iyo sidoo kale qaladaad ka jiray doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post