147 Views

Labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya

Labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykan ah lagu la’yahay badda Soomaaliya, iyadoo la waayay xilli ay ku jireen howlgal ka socday badda.

Labada askari ayaa la waayay Khamiistii, sida Taliska Mareykanku uu ku xaqiijiyay qoraal kooban oo uu Jimcihii soo saaray.

Taliska ayaa war saxaafadeedkiisa ku yiri “howlgal isugu jira baadigoob iyo samatabbixin ayaa hadda socda si loo helo labada askari. Arrimo ammaan awgeed, ma sii dayn doono macluumaad dheeraad ah ilaa hawlgalka badbaadada uu ka soo dhammaado.”

Ciidamada Badda ayaa halkaasi ka waday howlgallo kala duwan, iyagoo ka tirsan qeybta 5-aad ee howlgallada ciidamada Mareykanka (the US 5th Fleet) waxayna ka howlgalaan qiyaastii 2.5 milyan oo mayl laba jibaaran oo badda ah.

Aagagga ay ka howlgalaan ayaa waxaa ka mid ah Khaliijka, Badda Cas, Gacanka Cumaan iyo qeybo ka mid ah badweynta Hindiya, sida ku xusan website-ka ciidamada.

Ciidamada Mareykanka ayaa muddo dheer ka howlgalayay Soomaaliya iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya waxayna inta badan fulin jireen duqeymo joogto ah oo ay ku taageerayaan ciidamada rasmiga ah ee dowladda kuwaasi oo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Washington ayaa Al-Shabaab u aqqoonsan koox argagixiso ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay tahay “Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna firfircoon caalamka, waxayna caddeysay doonisteeda iyo awoodda ay u leedahay in ay weerarto ciidamada Mareykanka, khatarna ku tahay danaha ammaanka Mareykanka.”

.

xigasho: AFP

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post