1134 Views

Nin u dhintey buufin hawada duulayey oo uu kasoo dhacey

Nin u dhintey buufin hawada duulayey oo uu kasoo dhacey
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Nin ayaa ku dhintey waqooyiga Israel, ka gadaal markii uu hawada la galey buufin lagu aaryeeyey hawo kulul, isagoo uggu danbeyntii uu kusoo dul dhacey baabuur.

Warbaahinta Israel ayaa soo gudbisay in ruuxani oo lagu qiyaasay dada 20 jirka, uu kamid ahaa shaqaalaha shirkad ka shaqeysa qalabka buufinada hawada, isagoo markaa ka lushey buufinka, inta aanu hawada ulla duulin.

Rakaabkii buufinka ayaa isku dayey iney u jiidaan dhanka gudaha, laakiin wuu siibtey, wuxuuna kasoo dhacey fogaan hawada ah, oo u jirta 100m baabuur wado weyn saarnaa, oo u dhaw magaalada Afula.

Shaqaalaha gurmadka deg dega, ayaa sheegay in ninkaasi aanu naf la dhul dhicin.

Dadkii gaariga saarnaa umaysan baahanin in loo fidiyo daryeel caafimaad, halka qalabkii buufinka iyo rakaabkii saarnaaba ay si nabad galyo ah ugu soo dageen meel u dhaw goobtii uu shilku ka dhacey.

Dhacdadani ayaa waxaa baari doona booliiska iyo maamulka duulista hawada.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post