2238 Views

Madaxda Kastamka Cansuuraha Dekada Muqdisho Oo Maxkamad Ka Soo Muuqday

Madaxda Kastamka Cansuuraha Dekada Muqdisho Oo Maxkamad Ka Soo Muuqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 30, 2018 —Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay 9 Eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekada Magalaada muqdisho, waxaana lagu soo Eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekada Magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna aqriyay Eedda loo haysto 9 Eedaysane waxaa Dacwada ka soo qeyb galay ku xigeenada Xeer Ilaaliayaha Guud Ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya Eedaysanayaasha.waxaa dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha kuwaas oo soo bandhigay dooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu xiran tahay kana soo saari doonto Qaraar sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhagaysiga dacwada inta ka harsan.

 

 

12 13 14 15

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment