684 Views

Madaxweyaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo la kulmay odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi.

Madaxweyaha waqtigiisa dhamaaday  Farmaajo oo la kulmay odayaasha dhaqanka gobolada Waqooyi.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Madaxweynha Waqtigiisa dhamaaday  Farmaajo oo  u yeeray 8 kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Gobalada Waqooyi ee Soomaaliland, kuwaasoo qeyb ka ah Ergada 46-da ah ee dooraneysa xuhnaha Aqalka Sare.

Xubnahaan la kulmay MW Farmaajo ayaa kamid ah duubabka dhaqanka Waqooyi ee ugu saameenta badan waxayna sidoo kale qayb ka yihiin Ergada maanta lagu xareeyay Xerada Afisyooni.

Dadka lafagurada arrimaha siyaasada ayaa qaba in go’aankaan uu yahay mid caqabad ku ah doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo qorshuhu yahay in todobaadkan la soo gabagabeeyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post