540 Views

Mowjado kulayl ah oo ku dhuftay qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo digniin laga soo saaray

Mowjado kulayl ah oo ku dhuftay qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo digniin laga soo saaray
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Digniino caafimaad ayaa laga soo saarayaa guud ahaan qaaradda Yurub oo galay toddobaad xaalado daran oo kulayl ah. Boortaqiiska ayaa durba waxaa la soo deristay abaar aan horay loo arag taas oo halis gelisay keymaha dalka.

Xafiiska Saadaasha Hawada ee Isbaanishka ayaa sheegay in qorraxdii xagaaga oo ay weheliso hawo kulul oo ka timid Waqooyiga Afrika ay sarebu qaadday heerkulbeeg ilaa afartan iyo saddex degree Celsius.

Kulayl xooggan ayaa ka socda dhanka waqooyi isagoo u sii gudbaya Faransiiska ilaa Ingiriiska. Soo noqnoqoshada sii kordheysa ee dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa keentay in lagu baaqo in kulaylkan magac loo bixiyo.

Balse xafiiska saadaasha hawada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in ay soo bandhigaan nidaamkan oo kale. Afhayeen u hadlay wakaaladda deegaanka Yurub, Bla-je (BLAA-zsh) Kurnik, ayaa BBC u sheegay in kulaylka sidan oo kale ah ay keentay cimilada caalamka ee sii xumaanaysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post