531 Views

Doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho

Doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#205 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, kadib markii ay u tanaasushay Muna Xusen Faarax oo la tartami laheyd.

Kooshin ayaa loo qaaday codeyn gacabn taag ah, wuxuuna helay 99 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guusha xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa aheyd mid lasii oogaa, maadaama si gaar ah kursiga loogu xiray, si uu ugu biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee qorsheeyey in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa ku howlan dadajin doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan  Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post