456 Views

Q.M oo soo dhaweysay howlgalka cusub ee ATMIS

Q.M oo soo dhaweysay howlgalka cusub ee ATMIS
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

War kasoo baxay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa lagu soo dhaweeyay dhismaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Xoghaye Guterres ayaa tilmaamay in ay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay si buuxda u garab taagan tahay howlgalka ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee QM ayaa ku booriyay dhammaan bah-wadaagta Soomaaliya inay si deg deg ah u xaqiijiyaan maalgelinta waara oo loo fidiyo ATMIS-ka iyo dib-u-dhiska ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taageeraan isbeddelka amniga ee dalka.

Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, wuxuu Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku aamanay guulaha la taaban karo ay gaareen 15-kii sano ee la soo dhaafay, issgoo u mahad-celiyay ciidamada AMISOM- iyo dalalka booliiska ku deeqay sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda Soomaaliya, wuxuuna sida uu sheegay soo dhoweeyay naf hurnimada AMISOM.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post