1401 Views

Sawiro:-Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Deeqdii Ay Ka Heshay Imaaraadka

Sawiro:-Dowladda Somalia Oo War Kasoo Saartay Deeqdii Ay Ka Heshay Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro , dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus. Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

 

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Hamza Said Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdulkadir Ahmed-khair Abdi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment