1749 Views

Ciidamada Liyuu Boolis oo duugay baraago ay lahaayeen xoolo dhaqato

Ciidamada Liyuu Boolis oo duugay baraago ay lahaayeen xoolo dhaqato
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  – Ciidamadda Liyuu Boliiska ee Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa duugay baraaggo ay lahayeen qaar kamida dadka deegaanka ee Xoola dhaqatada ah.

 

Baraagaha ay duugeen Ciidamadda Liyuuga ayaa inka badan 10 sano waxa ay ka qodnaayeen Tuuladda Qalax oo 30 km dhanka waqooyi ka xigta deegaanka laba baar oo hoostaga Degmadda Shiilaabo ee Xarunta Gobolka Qoraxeey.

 

 

Xoolo dhaqatada ayaa waxay Baraagahani ku keydsan jireen Biyaha si ay u cabaan sidoo kalana ay xoolahooda uga waraabsadaan.

 

Sababaha keenay in Barkaddahani la duugo ayay Odayaasha Degaankani ku shegeen in uu yahay Qorshe lagu barakicinayo Dadka Degaanka ama lagu dhibaateynayo.

 

Odayaasha ayaa intaa ku daray in arintani xadgudbka ay sameeyeen Ciidamadda Liyuuga uu wax ka ogyahay Madaxweynaha Ismaamulka Mustafa Cagjar isla markaana uu Beshiisa ugu raadinayo dhul balaarsi si qabiiladda kale Degaanka wax ka daga meesha looga saaro ama looga barakiciyo.

 

Odayaasha ayaa ugu baaqay Dowladda Ethiopia iyo Hay’addaha xuquuqul insaanka in arrintan si deg deg ah kusoo faragaliyaan taasi oo keeni karta hadii ay sii socoto isku dhacyo dhexmara Qabiilada Degaaankaasi wada dagan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment