2049 Views

Taliyihii laga celiyay Kismaayo oo maanta xilka la wareegay

Taliyihii laga celiyay Kismaayo oo maanta xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | july 14, 2018 –   Magaalada Garbahaarey ee Caasimadda gobolka Gedo waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad uu xilka kula wareegaayay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud.

Goobta ay ka dhacday xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in aysan ka qeyb galin Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Waxaa uu Khudbad u jeediyay Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay qaadi doonaan howlgallo ballaaran.

Maamulka Jubbaland ayaa diiday taliyaha in uu kasoo degto Magaalada Kismaayo oo uu ku yaalla Taliska ugu weyn qeybta 43-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore

taliye-kismaayo-4 taliye-kismaayo-3 taliye-kismaayo-2 taliye-kismaayo-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment