324 Views

Midowga Yurub oo diyaarinaya xarun tababaro ciidamada Cusub ee loo tababarayo Dalka Ukraine

Midowga Yurub oo diyaarinaya xarun tababaro ciidamada Cusub ee loo tababarayo Dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Wasiiro sare oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa ku shiraya Jamhuuriyadda Czech-ga, iyadoo wasiirada difaaca lagu wado inay ka wada hadlaan sidii dalka Ukraine looggu samayn lahaa xarun dhexe oo lagu tababaro ciidanka reer Ukraine.

Khuburo gaarka ah, ayaa in muddo ah tababarayay ciidamada Ukraine, kuwaasoo u badnaa kuwa ku shaqeeya hub cusub.

Laakiin madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay inuu rajaynayo in “tababar heer sare ah” lasiinayo ciidamada Ukraine.

Waxa uu intaa kud darey in nidaamka dhexe ee tababarka uu u ogolaanayo khuburada Midowga Yurub inay noqdaan kuwa saadaaliya dagaalka, iyadoo dhanka kalana ay tahay inay u fidiyaan taageero xooggan reer Ukraine.

Dhanka kale, wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kulmaan toddobaadkan, iyadoo kulankooda lagu soo bandhigi doono dood la xiriirta xannibaadaha fiisaha ee muwaadiniinta Ruushka.

Xubnaha Midowga Yurub, ayaa la filayaa inay kasii wadayaan doodaha caasimadda Czech-ga ee Prague illaa iyo maalinta Arbacada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post